Wefti uu hogaaminayo Gudoomiyaha Gobolka Awdal Mudane C/Rashiid Xasan Mataan Ayaa Magaalada Burco kaga Qayb Galay Shirweynaha Wadatashiga iyo Hawlgelinta Unugga Ilaalinta...
Wefti uu hogaaminayo Gudoomiyaha Gobolka Awdal Mudane C/Rashiid Xasan Mataan Ayaa Magaalada Burco kaga Qayb Galay Shirweynaha Wadatashiga iyo Hawlgelinta Unugga Ilaalinta Deegaanka iyo Duurjoogta JSL...... Shirkan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ayaa socon doona muddo laba cisho ah, taariikhduna tahay 20–21 Juun 2026. Shirweynahan ayaa ujeeddadiisu tahay xoojinta ilaalinta deegaanka, dhowrista duurjoogta, kor u qaadista wada-shaqaynta wasa...aradda, ciidanka boolis, Xeer ilaalinta, iyo laamaha garsoorka iyo isuduwayaasha wasaaradda Deegaanka. Kulanka waxa si rasmi ah u furay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada JSL, waxaana ku weheliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka. Shirka waxa ka soo qayb galay masuuliyiin kala duwan oo ka kala socday heer qaran iyo heer gobol, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha gobolka Awdal, Guddoomiyaha gobolka Sanaag, Guddoomiyaha gobolka Togdheer, Guddoomiyaha gobolka daad-madheedh, Guddoomiyaha gobolka Saraar, Guddoomiye-ku-xigeenka gobolka Saaxil, gudoomiye kuxigeenka gobolka gabiley, Taliye-ku-xigeenka Ciidanka Booliska, Taliye Qaybeedyada gobolada dalka ee ciidanka boolis iyo Mayorka magaalada Burco, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadanaya xoojinta fulinta shuruucda ilaalinta deegaanka iyo dhowrista duurjoogta. Labada cisho ee uu shirku socdo, waxa diiradda lagu saari doonaa iskaashi buuxa oo dhexmara hay’adaha dawliga ah, maamulka gobollada iyo laamaha amniga si loo helo hannaan mideysan oo lagu ilaalinayo deegaanka iyo duurjoogta, loogana hortago dambiyada deegaanka iyo duurjoogta.