Back to all information
Official Updates

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi oo weli ku guda jira safarkiisii shaqo ee ku joogay Magaalada Boorama ayaa maanta Guriga...

Xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Awdal 2026-01-11 16:25:26

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi oo weli ku guda jira safarkiisii shaqo ee ku joogay Magaalada Boorama ayaa maanta Guriga Madaxtooyada ku qaabilay Masuuliyiin kala duwan oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Faafan ee Dawlad Deegaanka Soomaalida oo Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ugu yimid booqasho. Ujeedada masuuliyiinta ka socday Gobolka Faafan ee DDS ee Boorama soo gaadhay waxa ugu muhiimsan sidii labada Gobol... ee Awdal iyo Faafan oo wadaaga xuduud uga wada shaqayn lahaayeen arrimaha nabadgelyada. Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa masuuliyiinta ka socday Gobolka Faafan uga mahad naqay booqashada, sida oo kalena ku ammaaney doorkooda ka wada shaqaynta arrimaha Amniga labada dhinac, isaga oo xusay in Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ay mar walba diyaar u tahay in ay Dawladaha la Jaarka ah kala shaqayso arrimaha Amniga, xasilloonida, Ganacsiga iyo isu socda bulshada labada dhinac. 𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫), 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝

View original post Back to all information