Gudoomiyaha Gobolka Awdal Mudane C/Rashiid Xasan Mataan Ayaa Dhakhtarka weyn Ee Boorama ku Booqday Hooyo iyo Laba Caruura Oo Miino kula qaraxday Deegaanka Quljeed........
Gudoomiyaha Gobolka Awdal Mudane C/Rashiid Xasan Mataan Ayaa Dhakhtarka weyn Ee Boorama ku Booqday Hooyo iyo Laba Caruura Oo Miino kula qaraxday Deegaanka Quljeed..... Guddoomiyaha Gobolka Awdal, Mudane C/Rashiid Xasan, ayaa Caawa hooyo iyo laba carruur ah oo dhaawacyo culus ka soo gaadheen kadib miino ku qaraxday deegaanka Quljeed, kuwaas oo xaaladdooda caafimaad lagula tacaalayo isbitaalka.ee Boorama Guddoomiyaha ayaa dhakhaatiirta ka dhagaystay warbixin faahfaahsan oo ku s...aabsan xaaladda bukaannada, isaga oo Alle uga baryay in uu siiyo caafimaad degdeg ah. Sidoo kale, Mudane C/Rashiid Xasan ayaa booqday dad ku dhaawacmay mudaharaadadii ka dhacay magaalada Boorama, kuwaas oo weli ku jira daryeel caafimaad. Guddoomiyuhu waxa uu muujiyey dareen tiiraanyo iyo garab-istaag, isaga oo adkeeyey in xukuumad ahaan ay ka go’an tahay ilaalinta nolosha muwaadiniinta iyo xaqiijinta in dhammaan dhaawacyadu helaan daryeel buuxa...........