Back to all information
Official Updates

Guddoomiyaha Gobolka Awdal, Mudane Cabdirashiid Xasan Mataan, ayaa kulan xogwaraysi ah la yeeshay Salaadiinta iyo Cuqaasha Dhaqanka ee Beelaha Gadabaduursi. Kulankan oo...

Xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Awdal Date unavailable from source

Guddoomiyaha Gobolka Awdal, Mudane Cabdirashiid Xasan Mataan, ayaa kulan xogwaraysi ah la yeeshay Salaadiinta iyo Cuqaasha Dhaqanka ee Beelaha Gadabaduursi. Kulankan oo muhiimad gaar ah lahaa ayaa ka qabsoomay xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Awdal. Intii uu socday kulanka, Guddoomiyuhu waxa uu Salaadiinta iyo Cuqaasha la wadaagay xaaladda guud ee amniga, nabadgelyada iyo horumarka gobolka, isaga oo adkeeyay doorka ay odayaasha dhaqanku ku leeyihiin adkaynta nabadda, wadajirka b...ulshada iyo xallinta khilaafaadka. Sidoo kale, waxa uu dhageystay aragtiyo, talooyin iyo soo jeedinno ay soo bandhigeen Salaadiinta iyo Cuqaasha, kuwaas oo la xiriiray danta guud ee bulshada iyo horumarinta Gobolka Awdal. Dhankooda, Salaadiinta iyo Cuqaasha Dhaqanka ee Beelaha Gadabaduursi ayaa bogaadiyay dadaallada Guddoomiyaha, iyaga oo muujiyay sida ay uga go’an tahay la shaqaynta maamulka gobolka si loo ilaaliyo nabadda, midnimada iyo horumarka Gobolka Awdal. Kulankan ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad iyo ballanqaad ah in la sii xoojiyo wada shaqaynta u dhexeysa maamulka gobolka iyo hoggaanka dhaqanka..........

View original post Back to all information