Guddoomiyaha Gobolka Awdal, mudane C/Rashiid Xasan Mataan, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diraya qoyska, ehelada, asxaabta iyo guud ahaan shacabka reer Awdal ee uu ka baxay...
Guddoomiyaha Gobolka Awdal, mudane C/Rashiid Xasan Mataan, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diraya qoyska, ehelada, asxaabta iyo guud ahaan shacabka reer Awdal ee uu ka baxay marxuumku. C/Raxmaan Sheekh Cumar Daahir Oo Ahaa Gudoomiyihii hore ee degmada Boorama Sanadihii 2002 ilaa 2006...... Guddoomiyihii ugu horreeyey ee si toos ah cod shacab loogu doorto golayaasha deegaanka, marxuum C/Raxmaan Sheekh Cumar Daahir, ayaa ku geeriyooday magaalada Boorama. Marxuumku waxa uu soo hoggaa...minayey golaha deegaanka muddadii u dhexeysay 2002 ilaa 2006, isagoo door muuqda ka qaatay hirgelinta nidaamka horumarinta adeegyada bulshada. Guddoomiyaha Gobolka Awdal, mudane C/Rashiid Xasan Mataan, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada, asxaabta iyo guud ahaan shacabka reer Awdal ee uu ka baxay marxuumku. Guddoomiyuhu waxa uu xusay in marxuum C/Raxmaan Sheekh Cumar Daahir uu ahaa masuul karti iyo hufnaan leh, isla markaana door muhiim ah ka qaatay dhismaha hay’adaha dawladaha hoose iyo kobcinta wadajirka bulshada. Mudane C/Rashiid Xasan Mataan waxa uu Alle uga baryey marxuumka inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo qoyskii, eheladii iyo dhammaan shacabka uu ka baxay. Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun.