Wafti heer sare ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland ayaa kulan la yeeshay cuqaasha iyo waxgaradka deegaanada Damasha iyo Beeyo...
Wafti heer sare ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland ayaa kulan la yeeshay cuqaasha iyo waxgaradka deegaanada Damasha iyo Beeyo Cadaadeed, iyaga oo kala hadlay xaaladda amniga iyo doorka bulshada ee ilaalinta nabadda. Waftigan ayaa waxa ka mid ahaa Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Biyaha, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Dastuurka, Abaanduulaha Ciidanka Qaranka, Taliye-ku-xigeenka labaad ee Ciidanka Booliska Somaliland, iyo Guddoomiyey...aasha gobollada Awdal iyo Selel. Ujeeddada kulankan ayaa ahayd xoojinta wada-shaqaynta u dhaxaysa dowladda iyo bulshada si loo adkeeyo nabadgelyada iyo xasiloonida deegaanadaasi. Masuuliyiinta ayaa cuqaasha iyo waxgaradka kula dardaarmay in ay kaalin muuqata ka qaataan ilaalinta amniga, ka hortagga falal kasta oo khalkhal gelin kara xasilloonida, isla markaana ay bulshada ku wacyigeliyaan ilaalinta nabadda iyo wada noolaanshaha. Waxay sidoo kale carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in si dhow loo wada shaqeeyo hay’adaha amniga iyo shacabka, si looga hortago khatar kasta oo amni oo ka dhalan karta deegaanada. Dhankooda, cuqaasha iyo waxgaradka Damasha iyo Beeyo Cadaadeed ayaa soo dhaweeyey booqashada waftiga, iyaga oo muujiyey diyaar garowgooda ku aaddan la shaqaynta dowladda iyo hay’adaha amniga. Waxay ballanqaadeen in ay xoojin doonaan dadaallada lagu ilaalinayo nabadda, isla markaana ay ka shaqayn doonaan midnimada iyo xasilloonida bulshada. Kulankan ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad iyo in la sii wado wada-tashiyada iyo hawlaha wadajirka ah ee lagu adkaynayo amniga iyo nabadgelyada guud ee deegaanada gobolka.