Back to all information
Official Updates

Guddi xildhibaano ah oo ka socda Golaha Guurtida Somaliland, kana qayb qaadanaya dadaallada nabadaynta gobollada Awdal iyo Salel, ayaa saaka kulan gaar ah la yeeshay wefti heer...

Xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Awdal 2026-02-07 07:23:53

Guddi xildhibaano ah oo ka socda Golaha Guurtida Somaliland, kana qayb qaadanaya dadaallada nabadaynta gobollada Awdal iyo Salel, ayaa saaka kulan gaar ah la yeeshay wefti heer wasiir ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland. Weftigan ayaa ka kooban Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Horumarinta Biyaha, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Dastuurka, Abaanduulaha Ciidanka Qaranka, Taliye-ku-xigeenka labaad ee Ciidanka Booliska, iyo guddoomiyeyaasha gobollada Awdal iy...o Salel. Kulanka oo ka qabsoomay degmada Garbo-dadar ee gobolka Salel, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqaynta, dardargelinta nabadaynta, iyo sidii loo mideyn lahaa dadaallada dowladda iyo odayaasha dhaqanka ee lagu dejinayo xaaladaha jira. Mas’uuliyiinta iyo guddiga Guurtida ayaa isla qaatay in la sii wado kulamada iyo hawlaha nabadaynta si loo adkeeyo xasilloonida iyo wada-noolaanshaha bulshada labada gobol.....

View original post Back to all information