Boorama – Guddoomiyaha Gobolka Awdal, Cabdirashiid Xasan Mataan, ayaa si rasmi ah xilkii ugu kala wareejiyey Iskuduwihii hore iyo kan cusub ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka...
Boorama – Guddoomiyaha Gobolka Awdal, Cabdirashiid Xasan Mataan, ayaa si rasmi ah xilkii ugu kala wareejiyey Iskuduwihii hore iyo kan cusub ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta ee gobolka Awdal. Munaasabadda xilwareejinta oo ka dhacday xarunta maamulka gobolka ee magaalada Boorama ayaa waxaa xilka si rasmi ah ula wareegay iskuduwaha cusub Axmed Diiriye Ciiltire, kaas oo dhawaan loo soo magacaabay jagadan. Waxa uu xilka kala wareegay iskuduwihii hore Saddam Max...amed Caqli, oo muddo ka soo shaqaynayey wasaaradda. Guddoomiyaha gobolka Awdal oo hadal ka jeediyey munaasabadda ayaa ku bogaadiyey iskuduwaha cusub masuuliyadda loo igmaday, isaga oo kula dardaarmay in uu si hufan oo xilkasnimo leh u guto waajibaadka shaqo ee loo igmaday, isla markaana sii xoojiyo wada shaqaynta warbaahinta iyo bulshada ku dhaqan gobolka. Sidoo kale, Guddoomiyuhu waxa uu u mahadceliyey iskuduwihii hore dadaalkii iyo shaqadii uu soo qabtay muddadii uu xilka hayey, isaga oo ku ammaanay kaalintii uu ka qaatay horumarinta hawlaha warfaafinta iyo wacyigelinta ee gobolka. Xafladda xilwareejinta ayaa waxaa ka soo qayb galay wariyeyaal kala duwan oo ka hawlgala magaalada Boorama, kuwaas oo goob joog ka ahaa wareejinta xilka iyo saxeexyada rasmiga ah. Ugu dambayn, iskuduwaha cusub ayaa ballanqaaday in uu si dhow ula shaqayn doono warbaahinta iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, si loo dardargeliyo hawlaha warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta ee gobolka Awdal.