Back to all information
Official Updates

Gudoomiyaha Gobolka Awdal Mudane C/Rashiid Xasan Mataan Ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Masuuliyiin ka socday hay’adda SCAN

Xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Awdal 2026-02-22 19:21:07

Gudoomiyaha Gobolka Awdal Mudane C/Rashiid Xasan Mataan Ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Masuuliyiin ka socday hay’adda SCAN...... Kulankani ayaa waxaa ka soo qaybgalay Madaxa Barnaamijyad Hay’ada SCAN Cabdikarim Xasan Axmed iyo Madax Xafiiseedka Gobolka u Qaabilsan SCAN Jamaal Hufane Dhanka kale waxa kulankaasi qayb ka ahaa Iskuduwayaasha Wasaaradda Beeraha Miss Nimco Maxamed Aaadam, Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Mr. Jimcaale Axmed Sareeye. Kulanka waxaa lagu soo bandhigay mash...ruuca Building Climate Resilience for Food Security oo ay maalgelisay WFP, asal ahaanna ka socon doona gobolka muddo saddex sano ah taageerona ka helay KOICA. Mashruucu wuxuu ka kooban yahay 3 qaybood: SCAN waxay fulinaysaa Pillar 2: Climate Micro-Insurance & Financial Services Oo ah (Pillar 2), halka Save the Children fulinayso (Pillar 1 & 3) oo ah Pillar 1: Early Warning, Climate Services & Anticipatory Action & Pillar 3: SHF/Livestock Holders & Food Value Chain Actors Support. Mashruucan Oo Ujeedkiisuna yahay waa xoojinta sugnaanta cuntada iyo u-adkaysiga cimilada ee beeralayda yaryar, xoolo-dhaqatada, haweenka iyo dhalinyarada ku nool deegaanada jilicsan (Strengthen food security and climate resilience of smallholder farmers, livestock holders and marginalized groups including women and youth living in fragile and conflict-affected settings against the impacts of climate change).

View original post Back to all information