Back to all information
Official Updates

Guddoomiyaha Gobolka Awdal Mudane C/Rashiid Xasan Mataan iyo Duqa Degmada Boorama Maxamuud Sheekh Ibraahim ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Guddoomiyaha Degmada Sheekh Cali...

Xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Awdal 2026-02-23 21:50:11

Guddoomiyaha Gobolka Awdal Mudane C/Rashiid Xasan Mataan iyo Duqa Degmada Boorama Maxamuud Sheekh Ibraahim ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Guddoomiyaha Degmada Sheekh Cali Jawhar iyo guddida xaafaddaasi, iyagoo ka wada hadlay arrimo la xidhiidha nabadgelyada, horumarinta adeegyada bulshada iyo iskaashiga maamulka iyo bulshada deegaanka. Kulankaasi kaddib, Guddoomiyaha Gobolka Awdal Mudane C/Rashiid Xasan Mataan iyo Duqa Degmada Boorama Maxamuud Sheekh Ibraahim ayaa kormeer sh...aqo ku soo maray xarumo amni oo kala duwan, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen: Saldhigga Ciidanka Birmadka Saldhigga Camuud Saldhigga Xaafadda Sheekh Axmed Bar-kontoroolka (Control) magaalada Boorama Masuuliyiinta ayaa warbixino ka dhegaystay saraakiisha iyo masuuliyiinta xarumahaasi, kuwaas oo ka xog-warramay xaaladda amni, shaqada ay hayaan iyo baahiyaha jira. Guddoomiyaha iyo Duqa ayaa ku ammaanay ciidanka dadaalkooda ku aaddan sugidda amniga magaalada, iyagoo ku boorriyey in la sii xoojiyo wada-shaqaynta iyo heeganka amni. Ugu dambayn, masuuliyiinta ayaa kormeer ku tagay xarunta kubadda koleyga ee Boorama, halkaas oo ay ka socdaan hawlo dib-u-dhis iyo dayactir ah oo ay wado Dawladda Hoose ee Boorama. Waxay bogaadiyeen dadaalka lagu horumarinayo goobaha ciyaaraha si dhalinyaradu u helaan fursado ay ku horumariyaan xirfadahooda isla markaana looga qayb qaato yaraynta falalka lidka ku ah amniga. Kormeerkan ayaa muujinaya sida ay maamulka Gobolka Awdal iyo Degmada Boorama uga go’an tahay xoojinta amniga, horumarinta adeegyada bulshada iyo taageeridda dhalinyarada.

View original post Back to all information