Guddoomiyaha Gobolka Awdal Mudane C/Rashiid Xasan Mataan ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafti sare oo ka socday hay’adda samafalka ee Save the Children, kuwaas oo uu...
Guddoomiyaha Gobolka Awdal Mudane C/Rashiid Xasan Mataan ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafti sare oo ka socday hay’adda samafalka ee Save the Children, kuwaas oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Sare ee Tayada iyo Horumarinta Mashaariicda ee hay’addaasi. Kulankan oo ka qabsoomay xarunta maamulka gobolka Awdal ayaa ujeeddadiisu ahayd is-xogwaraysi iyo kor u qaadidda wada shaqaynta ka dhaxaysa maamulka gobolka iyo hay’adda Save the Children, gaar ahaan dhinacyada horumarinta a...deegyada bulshada iyo tayaynta mashaariicda socda. Waftiga ayaa sheegay in socdaalkoodu la xidhiidho indha-indhayn iyo qiimayn lagu samaynayo mashaariicda ay hay’addu ka fuliso qaybo ka mid ah gobolka Awdal, Guddoomiyaha Gobolka Awdal Mudane C/Rashiid Xasan Mataan ayaa soo dhaweeyay waftiga, isagoo ku ammaanay hay’adda Save the Children doorka muuqda ee ay ka qaadato horumarinta adeegyada bulshada,Waxa uu sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga si loo gaadho natiijooyin waxtar leh oo waara. Ugu dambayn, labada dhinac ayaa isla qaatay in la sii adkeeyo wada shaqaynta, lana dardargeliyo hirgelinta mashaariic tayo leh oo wax ka taraya baahiyaha bulshada ku nool gobolka Awdal.