Madaxwayne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa si rasmi ah u dhagax-dhigay Mashruuca Koronto-ballaadhinta Magaalada Borama
Madaxwayne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa si rasmi ah u dhagax-dhigay Mashruuca Koronto-ballaadhinta Magaalada Borama. Mashruucan muhiimka ah waxa uu ka kooban yahay 8 MW Solar PV, 20 MWh Battery Storage System, iyo 5 KM oo ah khadadka gudbinta korontada ee 33 kV, kuwaas oo si weyn u xoojin doona helitaanka koronto tayo leh, la isku hallayn karo, isla markaana waarta, taas oo laga dhallinayo Tamarta Cadeeda. Munaasibad loo qabtay dhag...ax dhiga Mashruucaasi oo lagu qabtay magaalada Borama ayaa waxa kale oo ka soo qaybgalay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Maamulka gobolka Awdal, ka Degmada Borama, Masuuliyiin ka tirsan Dawladda iyo marti sharaf kale duwan. Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa si weyn ugu dheeraaday mihiimadda uu mashruucani u leeyahay bulshada, waxana uu yidhi: "Mashruucani wuxuu door muhiim ah ka qaadan doonaa horumarinta adeegyada Tamarta, kobcinta dhaqaalaha, iyo taageeridda horumarka bulshada ee gobolka Awdal, gaar ahaan magaalada Borama iyo deegaannada ku xeeran. Mashruucan waxa maalgeliyey Baanka Adduunka, isaga oo qayb ka ah dedaallada lagu horumarinayo kaabeyaasha Tamarta iyo kor u qaadista isticmaalka tamarta nadiifta ah ee Somaliland. Xukuumadda Somaliland waxa ka go'an sidii shacabku u heli laahayeen koronto jaban" ayuu yidhi 𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫), 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝