Masuuliyiinta Heer Qaran Iyo Heer Gobol Oo Ka Shiray Horumarinta Maalgashiga Gobolka Awdal
Masuuliyiinta Heer Qaran Iyo Heer Gobol Oo Ka Shiray Horumarinta Maalgashiga Gobolka Awdal Boorama – Guddoomiyaha Gobolka Awdal Mudane C/Rashiid Xasan Mataan, Duqa Degmada Boorama Mudane Maxamuud Sheekh Ibraahim Muuse, Wasiirka Wasaaradda Maalgashiga iyo Warshadaha Mudane Siciid Maxamed Buraale, iyo La-taliyaha Arrimaha Dhaqaalaha ee Madaxweynaha JSL Dr. C/Raxmaan Ducaale Bayle ayaa kulan muhiim ah ku yeeshay xarunta Gobolka Awdal. Kulankan ayaa ujeedkiisu ahaa sidii Gobolka ...Awdal loogu diyaarin lahaa maalgashiga, gaar ahaan hirgelinta mashaariic horumarineed iyo warshado wax soo saar leh oo door weyn ka qaata koboca dhaqaalaha gobolka. Intii uu kulanku socday, masuuliyiintu waxay si qoto dheer uga wada hadleen fursadaha maalgashi ee ka jira Gobolka Awdal, istaraatiijiyadaha lagu soo jiidan karo maalgashadayaasha, iyo sidii loo abuuri lahaa jawi ku habboon ganacsiga iyo warshadaha. Waxaa sidoo kale diiradda la saaray horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah ee gobolka. Wasiirka Maalgashiga iyo Warshadaha Mudane Siciid Maxamed Buraale ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la helo qorshe mideysan oo lagu dhiirrigelinayo maalgashiga, halka Dr. C/Raxmaan Ducaale Bayle uu xusay doorka ay qorsheynta dhaqaale iyo siyaasad dejintu ka ciyaaraan horumarka waara. Dhankooda, Guddoomiyaha Gobolka Awdal iyo Duqa Degmada Boorama ayaa muujiyey sida ay uga go’an tahay in ay xoojiyaan wada shaqaynta hay’adaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay, si loo xaqiijiyo hirgelinta mashaariic wax ku ool ah oo ka hirgala gobolka. Ugu dambayn, kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad iyo go’aan ah in la diyaariyo qorshe hawleed cad oo lagu dardargelinayo maalgashiga iyo dhismaha warshadaha, si loo kobciyo dhaqaalaha loona abuuro fursado shaqo oo cusub......