Back to all information
Official Updates

DAAWO Gudoomiyaha Gobolka Awdal Mudane C/Rashiid Xasan Mataan Ayaa Xafiiskiisa ku Qaabiley Wefti Uu Hoggaaminayo Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Waxbarashada Barbaarinta Iyo...

Xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Awdal 2026-04-26 21:25:30

DAAWO Gudoomiyaha Gobolka Awdal Mudane C/Rashiid Xasan Mataan Ayaa Xafiiskiisa ku Qaabiley Wefti Uu Hoggaaminayo Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Waxbarashada Barbaarinta Iyo Sayniska JSL Oo Saaka Soo Gaadhay Magaalada Boorama. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarshadda Barbaarinta iyo Sayniska JSL, Cabdiraxmaan Xuseen X Xirsi oo uu wehelinayey guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka Qaranka JSL, Daa’uud Axmed Faarax iyo qaar ka mid ah agaasime waaxeedyada wasaaradda waxbarashada ay...aa kormeer shaqo kusoo gaadhay Gobolada Awdal iyo Selel Guddoomiyaha wasaarada waxbarashada gobolka Awdal Xuseen Caateeye Gaafane ayaa weftiga u soo gelbiyey xarunta badhasaabka gobolka Awdal Mudane Cabdirashiid Xasan Mataan, halkaas oo uu badhasaabka gobolku si diirran ugu soo dhaweeyey. Weftigan ka socda Wasaaradda waxbarashada iyo badhasaabka ayaa iska xog waraystay xaaladdaha waxbarasho ee gobolka ka jira iyo sidii looga wada shaqayn lahaa. Badhasaabka iyo weftigan ka socda Wasaaradda Waxbarashada JSL, waxay si qoto dheer iskaga waraysteen xaaladda waxbarasho ee ardaydii ku noolayd deegaannadii collaadu ka dhacday iyo sida ay imtixaanaadka shahaadiga ah u geli karaan...

View original post Back to all information