Back to all information
Official Updates

Guddoomiyaha Gobolka Awdal Mudane C/Rashiid Xasan Mataan iyo Duqa Degmada Boorama Mudane Maxamuud Sheekh Ibraahim ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Guddoomiyayaasha Degmooyinka...

Xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Awdal 2026-05-03 18:40:39

Guddoomiyaha Gobolka Awdal Mudane C/Rashiid Xasan Mataan iyo Duqa Degmada Boorama Mudane Maxamuud Sheekh Ibraahim ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Guddoomiyayaasha Degmooyinka Dilla, Magaalada Cad, Quljeed iyo Xeego. Kulankan oo ka qabsoomay xarunta gobolka ayaa diiradda lagu saaray sidii si wadajir ah loogu diyaar garoobi lahaa munaasibadda qaran ee 18-ka May, taas oo ah maalinta xuska gooni-isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland. Masuuliyiinta ayaa ka wada hadlay doorka ay degm...ooyinku ku leeyihiin qabanqaabada xuska, adkaynta amniga, magaalooyinka, iyo abaabulka bulshada si ay si mug leh uga qayb qaataan dabaal-degga. Sidoo kale, waxaa la isla gartay in la xoojiyo iskaashiga hay’adaha kala duwan ee dowladda hoose iyo maamulka gobolka, si loo hubiyo in munaasibaddu u dhacdo si habsami leh oo ka tarjumaysa qiimaha ay leedahay maalintani. Ugu dambayn, Guddoomiyaha Gobolka Awdal ayaa ku booriyay masuuliyiinta degmooyinka inay dardargeliyaan diyaar-garowga, isla markaana bulshada ku wacyigeliyaan ka qaybgalka munaasibadda 18-ka May.

View original post Back to all information