Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku simaha Madaxweynaha Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa hoygiisa Magaalada Hargaysa ku qaabilay Suldaan Abiibakar Cilmi...
Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku simaha Madaxweynaha Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa hoygiisa Magaalada Hargaysa ku qaabilay Suldaan Abiibakar Cilmi Wabar oo shalay dalka ku- soo guryo-noqday. Madaxweyne ku-xigeenka JSL ahna ku-simaha madaxweynaha ayaa ugu horrayntii soo dhaweeyey Suldaanka isaga oo dareensiiyey in Somaliland ay tahay dal ku dhisan wada hadal, is-qancin, isku tanaasul iyo isku duubni. Madaxweyne ku-xigeenka waxa kulanka ku wehelinaye...y Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda, Taliyaha Ciidanka Booliska JSL, Gudoomiyaha Guddida Nabadda iyo Agaasimaha Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaarrada. Dhankiisa, Suldaan Abiibakar Cilmi Wabar ayaa Madaxweyne ku-xigeenka uga mahad naqay soo dhawaynta iyo qadarinยญta loo muujiyey, waxaa aanu bogaadiyey dedaallada ay Xukuumaddu ku bixinayso ilaalinta amniga, horumarka iyo xasilloonida dalka. ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ), ๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐