Back to all information
Official Updates

Wafti ka Socda Safaaradda Denmark oo Booqday Gobolka Awdal

Xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Awdal 2026-05-07 20:10:15

Wafti ka Socda Safaaradda Denmark oo Booqday Gobolka Awdal...... Boorama – Wafti ka socday safaaradda dalka Denmark ee Soomaaliya iyo Somaliland, ayaa kormeer shaqo ku yimid Gobolka Awdal, iyaga oo u kuurgalayey hirgelinta mashruuca Isku-xidhka Bulshada iyo Adeegyada (Civil Engagement Facility). Waftigan ayaa booqasho rasmi ah ugu yimid Guddoomiyaha Gobolka Awdal, Mudane C/Rashiid Xasan Mataan, waxaana uu ku qaabilay xafiiskiisa magaalada Boorama. Intii uu kulanku socday, waf...tigu waxay guddoomiyaha ka siiyeen warbixin ku saabsan waxqabadka mashruuca, heerka uu marayo, iyo qorshayaasha mustaqbalka ee lagu horumarinayo adeegyada bulshada. Labada dhinac ayaa sidoo kale iska xog-waraysatay baahiyaha horumarineed ee Gobolka Awdal, gaar ahaan dhinacyada biyaha iyo waddooyinka, kuwaas oo laf-dhabar u ah horumarka iyo adeegyada bulshada. Kulankan muhiimka ah waxa goob-joog ka ahaa Duqa Degmada Boorama, Mudane Maxamuud Sh. Ibraahim Muuse, oo isna qayb ka ahaa doodaha iyo is-weydaarsiga aragtiyaha la xidhiidha horumarinta degmada iyo guud ahaan gobolka. Guddoomiyaha Gobolka Awdal ayaa uga mahadceliyey waftiga booqashadooda iyo taageerada ay ka geystaan mashaariicda horumarineed, isaga oo xusay baahida loo qabo in la xoojiyo mashaariicda saameynta togan ku leh bulshada. Ugu dambayn, kulankaasi waxa uu ku soo dhammaaday is-afgarad iyo xoojinta wada shaqaynta u dhaxaysa maamulka Gobolka Awdal iyo hay’adaha caalamiga ah, si loo dardargeliyo horumarka iyo adeegyada bulshada...

View original post Back to all information