Back to all information
Official Updates

Daawo Sawirrada Xafladda Shaacinta Midawga Wadajir Oo ay ku midoobeen 13 daladood

Xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Awdal 2026-05-09 19:24:27

Daawo Sawirrada Xafladda Shaacinta Midawga Wadajir Oo ay ku midoobeen 13 daladood..... Magaalada Boorama ayaa lagu qabtay xaflad ballaadhan oo lagu shaacinayey Midawga Daladdaha Waddajir, kaas oo ay ku midoobeen 13 dalladood oo ka shaqeeya arrimaha bulshada iyo barnaamijyada danwadaagga ah. Munaasibaddan muhiimka ah ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin heer qaran iyo heer gobol ah oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ee Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xa...san, Wasiirrada Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Marwo Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi, Wasiirka Shaqada, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Marwo Milgo Maxamed Sanbalooshe, Wasiir Ku-xigeenka Deegaanka Marwo Samsam Maxamed Saalax, Guddoomiyaha Gobolka Awdal Mudane C/Rashiid Xasan Mataan iyo Duqa Degmada Boorama Maxamuud Sheekh Ibraahim. Sidoo kale waxaa munaasibadda goob-joog ka ahaa masuuliyiin ka socday hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee taageera barnaamijyada danwadaagga ah iyo horumarinta bulshada. Masuuliyiintii halkaasi ka hadlay ayaa si weyn u soo dhaweeyey midowga 13-ka dalladood, iyagoo ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo kor u qaadaysa wada shaqaynta ururrada bulshada, isku dubbaridka hawlaha horumarineed iyo xoojinta adeegyada bulshada ee gobolka Awdal. Waxay sidoo kale adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in bulshada, hay’adaha iyo dawladdu si wadajir ah uga shaqeeyaan horumar waara, nabadgelyada iyo daryeelka bulshada, gaar ahaan dadka nugul iyo qaybaha u baahan taageerada gaarka ah. Gebagebadii, xafladda shaacinta Midawga Daladdaha Waddajir ayaa ku soo dhammaatay jawi farxad iyo is-xogwaraysi leh, iyadoo la muujiyey rajada laga qabo in midowgani noqdo mid horseeda iskaashi xooggan iyo horumar bulsho oo ballaadhan.

View original post Back to all information